
Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Guddiga heer Jubaland ee SEIT iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa magaalada Ceelwaaq ka bilaabay Doorashada 16-kii kursi.
Kursigii ugu horeeyay ee doorashadiisa ay ka dhacdo degmada Ceelwaaq ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Cabdullaahi Abukar Xaaji iyo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.
Musharax Xildhibaan Cabdicasiid Cabdullaahi Ibraahim ayaa u tanaasulay musharixii kale ee kula loolamayay kursigaas tirsigiisu yahay Hop#119.
Cabdullaahi Abukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guulaystay Kursiga sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka FEIT.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.