Garoowe (Ra’yi ) — Garoowe waxaa ka socda doorashada xildhibaan Aqalka Hoose. Canab Xasan Cilmi waa Xildhibaanad ka soo gasha Laascaanood. Sanadkii 2016kii ayaa lagu doortay Garoowe. Hadda waxaa socda qorshe loogu diidayo inay tartanto. Canab waa Xildhibaanka keliya oo si cad uga hortimid barakicintii maamulka Somaliland u geystay dad Soomaaliyeed oo ku dhaqnaa Laascaanood.

In maanta loo diido inay tartanto waxay dhalinaysaa tuhun ah in maamulka Puntland kula socday maamulka Somaliland barakicinta. Way jirtaa in siyaasi Canab isku beel yihiin uu Aqalka Sare ku biiray. Taasi marnaba ma bannaynayso in Canab loo diido u tartan ka kursiga ay 2016kii ku guuleysatay. Geesinimada iyo dadnimada ay muujisay markii Soomaalida laga barakicinayay Laascaanood ayay ku mutaysatay magac ay kaga soocnaatay siyaasiyiinta kale oo magaca Puntland Xildhibaan kaga ah Aqalka Hoose.
Canab waa xildhibaan mudan in lagu abaalmariyo sida ay ugu doodday Soomaalidii lagu boobay laguna barakiciyay Laascaanood. Iyada ayaa carrabka si dhiirranaan leh ugu dhufatay in barakicin qasab ah ay Laascaanood ka dhacday. Kaddib uun bay Qaramada Midoobay fal dambiyeedkaas ku tilmaantay Barakicin Qasab ah. Maamulka Puntland waa inuusan hor istaagin xaqa ay Canab Xasan Cilmi u leedahay inay u tartanto kursiga ay hadda ku metesho Laacaanood.
M. C. Siciid, Laascaanood
You must be logged in to post a comment.