Buurtinle (Wararka PP) — Mid ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo ka soo jeeda oo maleeshiyada Somaliland ka soo barakicisay magaalada Laascaanood ayaa ugu baaqay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil inuu ka hadlo xadgudubka loo geystay dadka Soomaaliyeed oo sida nabadda ah ugu noolaa Laascaanood.
“Waxaannu marti u ahayn reer Laascaanood. Ma maamulka Somaliland baa na boobay oo na barakiciyay mise dadka magaalada?” ayuu ninku yiri. Wuxuu intaas ku daray in dadka la soo barakiciyay qaarkood deyn lagaga leeyahay Laascaanood, qaarna deymo ay bixiyeen ay ka maqan yihiin qaarna hanti dhul ah ku leeyihiin magaalada.

Garaad Jaamac oo dhowaan ka hadlay dilal isdaba joog ah oo ka dhacay Laascaanood ayaa sheegay in loo baahan in xogta qofka guri laga kireynayo lala wadaago laamaha amniga, hadalkaas oo dad badani u fasirteen inuu ula jeedo dadka Koonfur Galbeed ka soo jeeda ahaana mid gogol-xaadh u ahaa barikicintii loo geystay dadka ka soo jeeda beesha Digil iyo Mirifle.
Ilaa hadda Garaad Jaamac Ismaaciil oo ah Garaadka keliya oo taageera maamulka Somaliland, muu ka hadlin barikincta iyo boobka loo geystay dadka Soomaaliyeed.
© Puntland Post, 2021
You must be logged in to post a comment.