
Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa xalay isku dhiibay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Sida laga soo xigtay saraakiisha, Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka caafimaadka Gobolka Galgaduud Cali Ibraahim ayaa si iskiis ah isu’gu dhiibay ciidamada dowladda.
Sarkaalkan ayaa isu dhiibay ciidamada lagu magacaabo Gorgor oo ka hawlgala degaannada Galmudug, kadib markii uu isaga baxay Al-shabaab.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.