Mudanayaasha Baarlamanka Puntland, ayaa maanta oo Talaado ah dib u bilaabaya fadhiyadoodii caadiga ahaa, kadib fasax ay ku maqnaayeen mudda todobaad ah.
Ajandaha keliya oo ka harsan Kal-fadhiga 48-aad Baarlamanka, ayaa ah doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland.
Mudanayaasha Baarlamanka, ayaa la filaya in ay maalmaha u haray guda-galaan arrimaha ku saabsan doorashada xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya Puntland.
Sidoo kale, madaxweyne Siciid Deni ayaa isna todobaadkan lagu wadaa in uu soo gudbiyo liiska xubnaha u sharraxan doorashada Aqalka sare, kuwaas oo la filay in ay ka soo muuqdaan dad ka tirsan dowladdiisa.
PUNTLAND POST