Wasiirka Caafimaadka Puntland oo la ciiday Shacabka magaalada Saaxdheer

Garaadka Garaad Jaamac Garaad Cali, oo uu weheliyo Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan, ayaa saaka magaalada Saaxdheer Gobolka Sool kula iiday dadweynaha ku dhaqan Degaankas.

Garaadka iyo Wasiirka ayaa salaadda iida halkaas kula oogay shacabka magaalada Saaxdheer, waxaana Garaadku umadda Islaamka, gaar ahaanna dadka Soomaaliyeed ku hambalyeeyay munaasabadda Ciidda.

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka soo jeeda magaalada Saaxdheer, ayaa booqasho ku jooga Degaanka, isagoo u kuur-galaya xaaladda ka jirta Saaxdheer iyo Tuulooyinka hoos yimaada.

PUNTLAND POST