
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha Soomaaliya ee Law lambar 18 oo la soo-saaray 26-kii bishii December 2019.
Xeerkan ayaa noqon doona mid lagu dhaqan-geliyo sharciga shirkadaha kaasi fududeynaya hab-raaca dhismaha, diiwaan-gelinta shirkadaha, laysimada iyo adeegyada kale ee ganacsigu u baahan yahay.
Kulankaan lagu saxeexayey Xeer-nidaamiyaha, ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay wasiiru-dawlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadfda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Cali Maxamed Sh. Bagadi, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo xubno kale.
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ayaa sheegay in xeerkan uu yahay mid dhiiri-gelinaya ganacsiga, wax-soo-saarka iyo maal-gashiga sidoo kalena horumarin doona guud ahaan dhaqaalaha wadanka. Isaga oo sidoo kale na carabka ku dhuftay in xeer-nidaamiyahani sahlaayo in iyada oo la adeegsanayo fursadaha farsamada iyo tiknoolajiyadda ay ganacsatadu adeegyada Wasaaraddu bixiso heli doonaan iyaga oo jooga xafiisyaddooda iyo goobahooda shaqo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.