
Madaxweyna Jubbaland Axmed Madoobe ayaa mar kale shuruud ku xiray doorashada xildhibaanada federaalka ee la qorsheeyay in ay ka dhacaan Jubbaland.
Axmed Madoobe oo maanta safar dibada ah ka soo laabtay ayaa sheegay in iyadoo aysan ciidamada Dowladda Federaalka ka bixin gobolka Gedo, sidoo kale aysan tegin maamulka gobolka, kan degmooyinka iyo madaxda kale ee Jubbaland aysan dhici karin doorashada xildhibaanada qaybta loo asteeyay magaalada Garbahaarey.
“Madaxda federaalka waxaan ku heshiinay in doorasho dhacdo oo maamulka walba labo meelood ku qabto, waxaanu diyaar u nahay in aan qabano oo labadii meelood ku qabano, laakiin waa goorma, waa marka ay gacantayada ku soo noqoto ee maamulka Jubbaland uu tago Garbahaarey, laakiin maanta sida ay tahay kuma dhacayso” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalku looga baahan yahay in ay kala saarto habraac doorashada iyo ololaha siyaasadeed.
Madaxweyanaha Jubbaland ayaa sidaan oo kale horraantii bishii October shuruudan ku xiray doorashada xildhibaanada federaalka ee la qorsheeyay inay ka dhacdo magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Habraacii doorashada ee bishii October soo saareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in 16 xildhibaan lagu dooran doono magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhowr jeer ka wadahadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland, basle wadahadaladaas laguma guuleysan.
Xiisad siyaaseed iyo mid amni oo u dhexaysa Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa muddo ka taagnayd gobolka Gedo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.