Somaliland oo ka hadashay meyd lagu gubay Hargeysa

Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay meyd maalmo ka hor lagu gubay duleedka Waqooyi ee magaalada Hargaysa, arrintaas oo shacabka degaanka uu cabasho ka muuujiyay.

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliland ayaa sheegtay in qofkaasi u dhintay xanuunka loo yaqaano “leukemia” oo ah xanuun sababa dhiig la’aan, uuna ahaa nin dhalasho  ahaan ka soo jeeday dalka China.

“Horta ninka dhintay wuxuu ahaa nin u dhashay China, waxaanu ninkaasi u dhintay cudur la yidhaahdo leukemia oo dhiiga raaca, dabadeedna qof dhiig la’aani ay ku dhacdo oo dhiigba laga waayo, cusbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysana wuu ku dhintay. Haddii uu qof ajanabi ahi dhinto waxa lala xidhiidhaa Jaaliyadahooda, Jaaliyadii China waxa ay yidhaahdeen dhoofin kari mayno ee xeerkayagu waa caynkaas ee ka hawl gala, caafimaadkana shaqadoodaba maaha in ay qofka gubaan ama aasaan” ayuu yiri sarkaal u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland.

Wuxuu intaas ku daray in jaaliyada wadanka China ka joogta Somaliland ay xiriiro la sameeyeen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo xeer ilaalinta.

 “Jaaliyadii waxa ay la xidhiidhay Wasaaradda Awqaafta iyo Xeer Ilaalinta, markaa waxa ay ku yidhaahdeen sidii aad ka yeeli jirteen qofka idinka ka dhinta ka yeela oo ahayd in la gubo, laakiin waxa aan loo calamaadinin meel gaar ah oo ay ku gubaan, sidaas ayaana lagu qaaday oo waxa lagu gubay meeshaas ku taala baraha bulshadda”.

Sidoo kale sarkaal u hadlay Wasaarada Caafimaadka Somaliland wuxuu tilmaamay in kooxdii halkaas ninka ku soo gubtay ay kaga yimaadeen qalabkii iyada oo dadka qaarkoodna ay sheegeen in la arkay qaybo ka mid ah jirkii qofkaas, balse waxa uu xusay in dawladda hoose ee Hargeysa ay markii dambe ka hawlgashay oo nadiifisay.

Qaar kamid ah Culumida Somaliland ayaa maanta oo jamce ah masaajidda Hargeysa ka sheegay in aysan bannaanayn in la gubo meyd.

PUNTLAND POST