
Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa in ay degaanno kala duwan kala wareegeen ururka Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas oo ka dhacay inta u dhexaysa Buulo-burde iyo Jalalaqsi ay ciidamadu kula wareegeen saddex degaan oo lagu kala magacaabo Afcad Ceel-bacad iyo Abooreey.
Dhamme Cabdulqaadir Cali Nuur oo ka tirsan Ciidamada Militariga ee ka hawlgala gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in in ciidamadu ay cagta mariyeen xarumihii Al-shabaab ee ku yaallay degaannadaas.
Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in hawlgalka ay ku dileen ilaa 13 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana ay dab qabadsiiyeen gaari ciidan hub iyo raashin ay ka carareen Al-shabaab.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.