
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, oo kamid ah Isimadda waawen ee Puntland, ayaa marka hore Tacsi u diray Shacabka Puntland gaar ahaan dadweynaha Qardho ee waxyeelladu ka soo gaartay daadadkii xalay ku fatahay Qardho.
Beeldaajaha ayaa Tacsi gaar ah u diray qoysaska ay lasoo gudboonaatay Geerida Iyo Shacabka ku waayay Hantidoodi Fatahaadii Xalay ka dhacday Magaalada Qardho.
Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Yaasiin, ayaa baaq deg deg ah u diraya Shacabka Puntland, Isagoo ka Codsaday in Gurmad lala soo gaaro Bulshada ku dhaqan Magaalada Qardho.
Sidoo kale Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, ayaa u mahad-ceshay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahu Deni oo maanta gaaray Magaalada Qardho si Kor loogu qaado Taageerada Gurmadka loona Maareeyo Gurmadka Qardho ku Wajahan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.