Nin ka soo dagaalamay Miiraale, Puntland oo lagu xakumay Muqdisho

Maxamed oo la sheegay in Daacish u taqaanay Abuu Hureyra

Maxkamadda Darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku ridey nin lagu eedeeyey in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish.

Ninka xukunka dilka ah lagu ridey oo lagu magacaabo Maxamed Cali Maxamed ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ku eedeysay in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish, isla markaana magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Siinaay uu ku diley Askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada deegaanka Xamar oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Dhuxulow.

Maxamed Cali Maxamed ayaa la sheegay in uu ka tirsaa 30 xubnood oo Daacish ah, oo ay ku jiraan Itoobiyaan oo dagaal ku dhexmaray Al-shabaab deegaanka Miiraale oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaat ee gobolka Bari.

Maxamed ayaa dhaawaciisa lagu daaweeyey Muqdisho

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in Maxamed Cali Maxamed ay Daacish u soo badeshay magaalada Muqdusho, oo markii dambe lagu qabtay isagoo dhaawac ah, kadib dilkii Maxamed Cabdi Dhuxulow oo ahaa Askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada deegaanka Xamar.

Dilka toogashada oo ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayuu sheegay in ay tahay qisaastii marxuum Maxamed Cabdi Dhuxulow.

Maxkamadda Darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in xukunkan cidii aan ku qanacsanayn ay u furan tahay Racfaan.

PUNTLAND POST