Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan ciidamada dowladda oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab
Ciidanka oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed, waxuuna kula ballamay in Al-shabaab ay ka xoreeyaan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada.
Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday ciidamada in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabka qaybta ka qaadanaya cirib tirka Al-shabaab, ayaa sidoo kale saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, u cadaalad falaan, tusaale wanaaggsanna u noqdaan ciidanka.
Ciidamo horey loogu tababaray Xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howl gallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fuliyeen qaar kamid ah gobollada Koonfurta Soomaaliya.






PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.