Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jamce ahayd qado sharaf ugu sameeyay deegaanka Jibigalle ee duleedka Garowe, qaar ka mid ah hoggaanka dhaqanka ee gobolka Bari oo maalmahan ku sugnaa Garowe.
Kulanka qadada waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, qaar ka mid ah xubnaha labada Gole ee dowladda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, hoggaan dhaqan, Ganacsato iyo marti sharaf kale.
Isimadan ayaa maalmihii la soo dhaafay Garowe u joogay sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii u dhaxeeyey dowladda iyo shirkadda PDG oo qaabilsan adeega iyo saadka ciidanka Badda Puntland ee PMPF.
Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa 15-kii bishii la soo dhaafay ee November ku guulestay in ay xaliyaan xiisad ka taagnayd magaalada Boosaaso oo u dhaxeysay madaxda PDG iyo dowladda, waxayna magaalada ka saareen ciidamo xoog ku soo galay oo isugu jiray daraawiish gadoodsan iyo maleeshiyo beeleed oo hoggaaminayey Ciise Yulux, sidoo kale waxay dowladdu ka codsadeen in shirkadda PDG ay siiwado shaqada.
Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa 25 bishii November Dubai u aaday arrintan iyo sidii uu mas’uuliyiinta Imaraadka Carabta ugu qancin lahaa, in ay sii wadaan qandaraaska Shirkadda PDG oo qaabilsan adeega iyo saadka ciidanka Badda Puntland ee PMPF.
Madaxweyne Deni ayaa markii uu ka soo laabtay safarkii Imaaraadka la kulmay isimada Bari, iyagoo kawada hadlay arrintaas, waxaana wararku sheegayaan in xal kama dambeys ah laga gaaray.
Ugu dambeyna Madaxweyne Deni ayaa maanta xaflad sagootin ah u sameeyey isimadii ka yimid gobolka Bari.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.