
Mudanayaasha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya cod aqlabiyad leh ku ansixiyay, guddiga doorashooyinka ku meel gaarka Puntland ee (TPEC).
Kulanka maanta oo uu shir-guddoominayey, guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxa soo xaadiray 50 mudane oo dhammaantood cod gacan-taag ah ku ansixiyay guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland.
Guddiga ayaa ka hor inta aan codka kalsoonida loo qaadin, waxa ay mid-mid taariikh-nololeedkooda uga hor-jeediyeen xildhibaannada golaha wakiilada.
Guddiga doorashooyinka Puntland ,ayaa waxa horyaalla shaqooyin muhiima oo ay kamid yihiin; diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, xuduudaynta degmooyinka Puntland iyo qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.