Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.

Madaxweyne Deni oo la tashaday wasiirkiisa arrimaha gudaha, ayaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari.
Sidoo kale, Muuse Saalax Guuleed ayuu madaxweynuhu umagacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu isbedelo ku sameeyo guddoomiyeyaal gobol oo kale iyo masuuliyiinta kale, sida uu Puntland Post xogta ku helayo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.