Siyaasi caana oo lagu xiray magaalada Boosaaso

Siyaasi Muuse Cali Jaamac

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi saaka lagu xiray siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland ee dhaliilsan xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni.

Siyaasigan ayaa habeen hore magaalada Boosaaso kaga qeyb-galay shir ay yeesheen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta gobolka Bari kaasi oo laga soo saaray war-murtiyeed qodobaysan oo si adag loogu dhaliilay hannaanka ay wax u hoggaaminayso xukuumadda Puntland ee talada haysa.

Sidoo kale wareysi uu shalay siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa siyaasi Muuse Cali Jaamac waxa uu ku faahfaahiyay arrimaha ay shirkooda uga hadleen iyo nuxurka war-murtiyeedkooda.

Siyaasiga ayaa sida la xaqiijiyay waxaa saaka u yeeray wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan balse isagoo aan weli xafiiska wasiirka gaarin ayaa waxa jidka ka qabtay ciidanka Booliiska magaalada Boosaaso.

Wararku waxay sheegayan in wasiirka Amniga Puntland uu si hoose u bixiyay amarka lagu xiray siyaasigan, kadibna uu xafiiskiisa ugu yeeray si jidka looga qabto.

Hoos ka daawo wareysigii siyaasi Muuse Cali Jaamac

PUNTLAND POST