Dowladda Puntland ayaa qaaddacday guddiga uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hannaanka magacaabista guddigaasi aan loo marin si waafaqsan Dastuurka KMG ee Soomaaliya.
Puntland waxay Beesha Caalamka u caddaysay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan dhab ka ahayn wada-hadallada Somaliland maadaama aan Puntland door laga siin wada-hadalladasi.
Waxay sheegtay in wada-hadallada labada dhinac ee Federaalka iyo Somaliland ay taabanayaan Puntland oo muran dhuleed kala dhexeeyo Somaliland.
Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.