Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah xasaanadda siiyey Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka Guud ee Puntland Cabdirisaaq Cumar Faarax oo 8-dii bishan July magacaabay Madaxweyne Deni.
Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka Guud ee Puntland ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay taariikh nololeedkiisa, wuxuu sameeyay dhawr balan-qaad oo ay kamid tahay la dagaalanka musuqmaasuq iyo hubinta kharash dawladda.
Intaaas kadib 40 Xildhaaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa codka xasaanadda siiyey Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka Guud Cabdirisaaq Cumar Faarax.
Ugu dambeyna Garyaqaan guud ee Puntland ayaa Baarlamaanka ku hor dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka.
Hoos ka daawo khudbadii Guddoomiyaha Hanti-dhawrka iyo xasaanad siintiii Baarlamaanka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.