
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa xilka ka qaaday taliyhii qeybta Booliiska gobolka Nugaal, G/sare Xassan Cabdullaahi Maxamed.
Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha, ayaa xilka looga qaaday taliyaha, waxaana xilkaasi si ku meel gaar ah loogu magacaabay G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal.
G/sare Xassan Cabdullaahi Maxamed ayaa hore xilkan loo magacaabay 28 October 2018 waxaana uu xilka hayay mudda 6 bilood ah.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay magacaabay xilal kala duwan oo aan dikreetooyinkooda warbaahinta lala wadaagin si ka duwan madaxdii isaga ka horraysay
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.