Dowladda Jarmalka oo dib u bilaabaysa dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo

Safiirka dowladda Jarmalka u fadhida Soomaaliya Amb Annett Gunther oo booqasho ku joogta caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa ballan qaadday in dowladeedu ay dib u bilaabayso mashruuca dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay la kulmay safiiradda ayaa u xaqiijiyay in xukuumaddiisu ay si daah-furnaan ah ula shaqeyn doonto hay’adda GIZ ee dowladda Jarmalka wakiilka uga ah mashruuca wadada Garoowe iyo Gaalkacyo sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen xubno kulankaasi joogay.

Safiiradda oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan hay’adda GIZ ayaa dhankeeda ballan- qaadday in dowladdeedu ay dib u bilaabayso dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo oo hakad ku jiray tan iyo markii mad-madow ka dhex abuurmay xukuumaddii hore ee Puntland iyo hay’adda GIZ ee mashruucan wakiilka uga ah Jarmalka. halkaanka akhriso

Safiiradda oo weli booqasho ku joogta magaalada Garoowe ayaa xalay la kulantay xubno ka socda ururrada bulshada rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) iyo ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP oo ay kala hadashay doorka warbaahinta Puntland ee ku aaddan ka qeyb-galka haweenka arrimaha siyaasadda iyo ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah haweenka.

PUNTLAND POST