Madaxii Canshuuradaha Dekadda Muqdisho oo Xukun lagu riday

Maxkmada Gobolka Banaadir ayaa xukuno ku riday qaar kamid ah shaqaalaha dowlada oo lagu helay musuq maasuq.

8  kamid ah shaqaalaha Dekedda Muqdisho ayaa xukuno kala duwan lagu riday.

Maxkmada ayaa xukun ku riday madixii canshuuraha Dekeda Muqdisho Axmed Cabdullaahi Samow iyada oo ku xukuntay 3 Sano oo xarig ah.

Sidoo kale maxkmada ayaa 7 kamid ah shaqaalaha dekedda Muqdisho ku riday min 3 Sano oo xarig ah.

Dhamaan dadkaasi ayeey maxkamadu ku heshay in ay ku dhaqaaqeen musuq maasuq islamarkaasina hay’adaha amaanka ay gacanta ku soo dhigeen.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho