Ciidanka Ammaanka DF Somalia oo Toogasho ku dilay rag hubeysan oo watay Gaari yar

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan laba qof ayaa dhintay, saddex kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray, kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo kooxo hubeysan ay isku rasaaseeyeen degmada hodan ee Magaalada Muqdisho.

Iska-horimaadkan ayaa yimid kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo watay gaari kuwa dagaalka ah ay ka shakiyeen baabuur yar oo kuwa raaxada ah oo ay wateen raggan la toogtay.

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka dhismaha Saybiyaano ee degmada Hodan oo ahayd halkii ay mashaqadani ka dhacday oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaariga yar ay wateen rag hubeysan, gaariga dagaalkana uu cayrsanayay.

“Labadan qof oo la toogtay waxay la socdeen gaariga yar, waxaana goobta ka baxsaday laba ruux oo kale oo gaariga la socday, inkastoo aysan qoryo wadan,” ayay tiri haweeney ganacsi ku haysata goobtaas oo la hadashay warbaahinta.

Sidoo kale, haweeneydan ayaa intaas ku dartay inay aragtay dhaawaco soo gaaray ciidamadii dowladda Somalia ee toogashada fuliyay, kuwaasoo ay ka qaadeen goobta ciidammo kale oo ka tirsan kuwa dowladda.

Gaarigii yaraa ee ay wateen ragga hubeysan ayaa weli meesha yaalla iyadoo dadka iyo gaadidka loo diiday inay halkaas maraan, sababo la xiriira shaki ka dhashay in gaariga ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa.

Kooxahan hubeysan ee ay is-rasaaseyeen ciidamada Dowladda ayaan illaa hadda la garan halka ay ka yimaadeen iyo cid ay ka tirsanaayeen, laakiinse xilliyadii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayay gaadiid ay wataan rag hubeysan oo dilal qorsheysan ka fuliya Muqdisho.

Ugu dambeyn, Baaritaanno ayaa ka socda goobta uu shilkan ka dhacay, waxaana goobta uu falkan ka dhacay ay ahayd goob suuq ah oo ay dadku aad ugu badan yihiin.

PUNTLAND POST