Maamulka Gobolka Banaadir oo billaabay Qorshe cusub oo ay kuwada shaqeynayaan…

Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay Madaxda Jaamacadaha Gobolka ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa Xarumaha Waxbarashada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in wada shaqeyn dhaw oo ay yeeshaan Jaamacadaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay kor u qaadeyso fursadaha waxbarasho ee dadka danyarta ah, shaqo abuurka, tayeynta waxbrashada iyo la dagaallanka dukumiintiyada waxbarasho ee been abuurka ah.

“Waxaan idiinku bishaaraynayaa in uu haatan socda qorshaha daadajinta maamulka ee Gobolka Banaadir, taas oo ay qeyb ka tahay in aan idiin ka hirgelinno degmooyinka aad xarumaha ku leedihiin xafiisyada bixinta adeegyada la xiriira dhanka waxbarashada, sida diiwaan gelinta xarumaha waxbarashada, dhalashada iyo sugnaanta ardayda, wanaa qeyb ka mid ah codsiyada aad noo soo gudbiseen”

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay wadaan dadaallo lagu yagleelayo Mac-hadka Dowladda Hoose ee Xamar oo la qorsheynayo in uu soo saaro xeel dheerayaal ku takhasusay arrimaha maamulka iyo maareynta shaqooyinka Dowladda Hoose, fayo dhowrka iyo ilaalinta deegaanka.

Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Gobolka Banaadir ee kulanka ka soo qeyb galay ayaa soo dhaweeyey qorshayaasha la soo bandhigay, waxa ayna ballan qaadeen in ay kaalintooda ka qaadan doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta kala dhaxaysa Maamulka Gobolka.

Ugu dambeyn,, Madaxda Jaamacadaha ayaa soo bandhigay hannaanka ay kaga qeyb qaadanayaan qorhseyaasha is-xilqaanka ah ee ka socda Gobolka Banaadir, kuwaas oo ku saabsan bilic soo-celinta iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha Caasimadda.

PUNTLAND POST