Mareykanka oo sheegay inay duqeyn culus ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Millateriga Mareykanka ayaa sheegay in afar xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay maanta ku dileen duqeyn ay ka geysteen Gobolka Shabeellada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarkan ayay sheegeen in Khamiistii shalay laga fuliyay deegaan 74-mayl oo u dhiganta 119-KM – dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Xamar ee xarunta Somalia, inkastoo aan deegaanka magaciisa la sheegin.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa sheegay in tani ay tahay duqeyntii 19-aad ee sanadkan lagu jiro oo eliya ay ka fuliyaan gudaha Somalia, ayna ku beegsadeen xubno ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, Warbixin kasoo baxday AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymo aan badnayn ay la beegsadeen diyaaradahooda dagaalka koox yar oo ka mid ah Ururka Daacish, kuwaasoo ku fir-fircoon deegaanada waqooyiga Somalia, gaar ahaan Puntland.

Dhanka kale, Warbixinta AFRICOM ayaa lagu sheegay inaysan jirin khasaare duqeyntan kasoo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa halka duqeyntan laga fuliyay, inkastoo duqeymo horay oo Mareykanku fuliyay lagu sheegay inay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo Mareykanka ay duqeymo la beegsadaan Al-shabaab, balse ma jiro illaa hadda hadal kasoo baxay Kooxda oo ay ku xaqiijinayso ama ku beeninayso hadalka kasoo baxay Mareykanka.

PUNTLAND POST