Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay inuu Raalli-gelin ka bixiyo Hadal Caro Dhaliyay

Muqdisho (PP) ─ Xisbiyada kala ah; DALJIR, WADAJIR, HORUSOCOD iyo KULAN, ayaa Warsaxaafadeed  ay soo saareen waxay madaxweynaha DF, Maxamed C/llaahi kaga dalbaday inuu ralli-gelin ka biyo hadal ay Dwladda Jabuuti qoonsatay oo ku saabsan in cunno-qabteynta hubka laga qaado dalka Eritrea oo uu dhawaan booqday.

Dowladda Jabuuti, ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somalia aysan marna ka filayn inuu hadalkaas ku dhawaaqi doono, isagoo aan marnaba soo hadal-qaadin dhulka laga haysto Jabuuti iyo maxaabiista looga qabsaday dagaalkii dhexmaray iyaga iyo Eritrea.

Haddaba, Qoraalka ay soo saareen xisbiyadan ayaa u qornaa sidan;

Annagoo ah xisbiyada siyaasadeed ee Wadajir, Daljir, Kulan iyo Horusocod oo hoos ku wada saxiixan, waxaan aad uga xunahay in Madaxweyne Farmaajo uu ku baaqo in laga qaado cunaqabataynta ay Qaramada Midoobay saartay dalka Eratariya, intii uu ku gudo jiray booqashadiisii uu ku tegay Asmara.

In kasta oo aan soo dhaweyneyno in uu hagaago xiriirka u dhexeeya wadamada Geeska Afrika, haddana waxaan qabjab iyo walaac xooggan ka muujineynaa talaabada aan ka fiirsiga iyo mas’uuliyaddaba lahayn ee Madaxweyne Farmaajo ku kacay taas oo dhibaateyneysa Jamhuuriyada Jabuuti, oo ah saaxiibka ugu dhaw uguna fiican oo ay Soomaaliya leedahay.

Waxaan soo dhaweyneynaa in dib loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Eratariya laakiin hal booqasho ee Madaxweyne Soomaaliyeed kuma filna inay xaliso arimaha soo jiitamayey ee Eratariya iyo Soomaaliya oo dhinac ah, iyo Eratariya iyo Jabuuti oo dhanaca kale ah. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la xuso in booqashadii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ku tagay Asmara ay ka dhalatay hal sano oo heshiishyo qarsoodi ah oo si hoose ugu socday labada dal. Wadahadal noocaas oo kale ah, loona dhanyahay ayaa gundhig u noqon kara inuu xal u keeno arimaha ka dhexeeya Eratariya, Soomaaliya iyo Jabuuti.

Si kastaba ha ahaatee, heshiis kasta oo ay Soomaaliya la galeyso Eratariya waa in loo fiiriyaa si ku jaango’an xaalada gobolka, iyo danaha isku mataaneysan ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo ay leh xiriirka walaaltinimo oo soojireenka ah.

Intaas waxaa dheer, in kasta oo uu kheyraadkeedu kooban yahay, haddana Jabuuti marna kama aysan joogsan inay sii wado dadaalada ay ku caawineyso Soomaaliya si ay markale lugaheeda isku taagto.

Ma jiro dal sida Jabuuti u huray hantidiisa, tamartiisa iyo ciidankiisa sidii ay nabad iyo degenaansho uga aloosmi lahayd Soomaaliya. Ciidanka HIILWALAAL ee Jabuuti waxa ay Soomaaliya ka caawiyeen sidii ay uga adkaan lahayd Al Shabaab, oo ah urur argagixiso. Waxaana xusid mudan in Jabuuti ay dadaaladaas uga dhinteen rag iyo dumar geesiyaal ah.

23-kii December 2009, waxay Qaramada Midoobay cunoqabateyn ku soo rogeen Eratariya kadib markii ay taageertay ururada hubeysan ee Soomaaliya, sidoo kalena ay diiday inay joojiso heysashada dhulka Jabuuti.

Taas bedelkeed, Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiyaamay dadaaladii aan caadiga ahayn ee dadka iyo Dawladda Jabuuti u galeen dalkeenna. Go’aankiisi ahaa in uu u hadlo Eratariya waxa uu xadgudub ku ahaa caadooyinka iyo hab-maamuuska diblomaasiyadeed ee dunida, waxa uuna qabjab ku ahaa dadka Jamhuuriyada Soomaaliyeed.

Annagoo ku hadlayna afka shacabka Soomaaliyeed, waxaan shacabka iyo Dawladda Jabuuti ka raalli-gelineynaa qaladka aan laga fiirsan ee Farmaajo uu kula kacay walaaleheen Jabuuti.

Waxaan cadeyneynaa in shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan iyo si kasta oo ay siyaasada ugu kala duwan yihiin, ay markasta garawsan yihiin dadaalada waqtiga dheer soo socday oo ay Jabuuti u gashay

Ugu dambeyn, Somalia. Sababtaas darteedna, waxaan ka mahadcelineynaa kaalmadiina xooggan. Waxaan dhanka kale ugu baaqeynaa Madaxweyne Farmaajo inuu sameeyo tallaabo degdeg ah si uu u saxo qaladkiisa, sidoo kalena uu ka raaligeliyo shacabka iyo Dawladda Jabuuti inuu aaminaadoodii qiyaamay.

PUNTLAND POST