Ururka Al-shabaab oo Madaafiic khasaare dhalisay ku Weeraray Degmada Balcad

Balcad (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa xalay madaafiic hoobiyeyaal ah ku weeraray degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexa, waxaana ku dhaawacmay afar qof oo shacab ah, kuwaasoo ay ku jiraan oday iyo cunug aad u yar.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Balcad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkaan uu saameyn xooggan ku yeeshay shacabka ayna xalay aad uga argagaxeen duqeymahaas.

“Xalay hoobiyeyaal dhawr ah ayaa kusoo dhacay gudaha degmada Balcad, gaar ahaan xaafadaha ku dhaw Warshaddii dharka, waxaana u maleynayaa in loo waday saldhigyada ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay degmada ku leeyihiin,” ayuu yiri mid ka mid ah shacabka ku nool degmadaas.

Maamulka degmada iyo kan Hirshabele ayaan weli ka hadlin duqeyntii xalay ay Al-shabaab la beegsadatay, degmadaas waxayna tani imaanaysaa iyadoo Al-shabaab ay kordhisay weerarrada ay geysanayso.

Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab ayaa u muuqata inay badiyeen weerarada ay la beegasnayaan ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee ka hawl-gala guud ahaan Somalia.

Kooxda Al-shabaab ayaa shalay waxay weerar dhabbo-gal ah la beegsadeen kolonyo ciidamada Kenya ah oo ka baxay deegaanka Garilley ee gobolka Gedo kuna socday deegaanka Fafax-dhuun, weerarkaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa todobaadkan Weerartay goobo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan ceelasha biyaha iyo Dayniile, kamana aysan hadlin Dowladda Somalia.

PUNTLAND POST