Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee DF oo Xukuno ku riday Eedeysanayaal la Horkeenay


Muqdisho (PP) ─
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa maanta ku xukuntay xabsi min 15-sano ah laba ruux oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish ee Somalia ka dagalaama.

Guddoomiyaha Makamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka, Col. Xasan Cali Nuur [Shuute] oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay maxkamaddu ku heshay labadan eedeysane dacwooyinkii lagu soo oogay.

Eedeysanayaasha la xukumay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin: Mahad Maxamuud Cabdi [Abuu Yaasiin] oo la sheegay inuu doonayay inuu Muqdisho ka abuuro koox Daacish oo ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya iyo Maxamed Daa’uud Daahir [Dr. Raage] oo la sheegay inuu ahaa ruuxii u qaabisanaa dhanka ururinta dhaqaalaha iyo caafimaadka.

Sidoo kale, Labadan eedeysane ayaa la sheegay in midkood uu haysto dhalashada dalka Ruushka, uuna qabay haweeney u dhalatay Jeejniya oo u dhashay gabar, uuna muddo dheer ku noolaa Suuriya, ka hor intii uusan u soo wareegin Soomaaliya.

“Dhammaan eedeymihii lagu soo oogay labadan eedeysane maxkamada way u caddaadeen, waxaana ku xukunnay min 15-sano oo xabsi ciidan ah, ciddii cabasho ka qabta xukunnana rafcaan way qaadan kartaa,” ayuu yiri Shuute oo ku dhawaaqayay xukunka lagu riday eedeysanayaashan.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo xubno ka tirsan Ururada ka dagaalama Somalia iyo Daacish, waxaana toddobaadkii hore ay maxkamada ciidamadu ku ridday xukun xabsi daa’in ah xubni la sheegay inuu filimmada u duubi jiray Ururka Daacish.

PUNTLAND POST