Ciidanka AMISOM oo Mudada loo kordhiyay iyo Qorshahii lagu dhimi lahaa oo dib loo dhigay

Muqdisho (PP) ─ Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay xalay ku yeesheen ku yeesheen xaruntooda New York waxay muddada ugu kordhiyeen ciidanka AMISOM, iyadoo la gaarsiiyay joogitaankooda Somalia illaa 31-ka May, 2019-ka, kaddib qoraal dheer oo ay soo saareen kulankooda ayay ku shaaciyeen arrintan.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo horay ay Dowladda Federaalka Somalia ugu dhawaaqday in la dhimayo iidamada AMISOM, kuwaasoo lagu wado in sannadkan dhammaadkiisa ay 1,000 oo askari oo ka mid ah ay Somalia ka baxaan.

Sidoo kale, Dowladda Somalia ayaa sheegtay in qorshaheedu uu yahay inay la wareegaan ammaanka dalka oo dhan marka la gaaro sannadka 2020-ka oo lagu wado inay dhammaan ciidamada AMISOM isaga baxaan Somalia.

Golaha Ammaanka ayaa dood waqti qaadatay kaddib waxay isla garteen in dib loo dhigo ka bixitaanka iyo dhimista Ciidamada AMISOM ee Somalia ka hawl-gala, kuwaasoo ka taageera Dowladda Somalia dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in dhimista ciidamadan la billaabo marka uu dhammaado xilliga cusub ee loogu kordhiyay hawl-galkooda, iyadoo dib loo dhigay inay Somalia ka baxaan sannadkan 1,000 oo ka tirsan AMISOM.

Wakiilka Dowladda Ingiriiska ee Qaramada Midoobay, Karen Pierce oo isagu qaraarkan u gudbiyay Golaha Ammaanka ee QM, ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay u baahan tahay waqti dheeraad ah oo ku filan si ay u diyaariso millateri awood u leh in ciidamada AMISOM ay kala wareegaan Amniga.

Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia oo tiradoodu tahay 20,626 Askari ayaa waxay ku sugan yihiin qaybo badan oo dalka ah, iyagoo dagaal kula jira kooxda Al-shabaab oo muddo sannado ah isku dayaysay in ay xukunka ka tuurto Dowladda Somalia ee uu caalamku aqoonsan yahay.

PUNTLAND POST