AKHRISO: War-murtiyeedka Heshiiska ay kala saxiixdeen Dowladaha Somalia iyo Eritrea

Asmara (PP) ─ Dowladaha Somalia iyo Eritrea ayaa waxay maanta kala saxiixdeen heshiis ka kooban afar qodob, kaddib booqasho saddex maalin ah oo uu dalkaas ku tagay madaxweyanha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Haddaba, War-mutiyeedka labada dowladood ay kala saxiixdeen ayaa u qoran sidan;

Iyadoo maanka lagu hayo xiriirka iyo saaxiibtinimada qotoda dheer ee labada shacab ee Ereteriya iyo Soomaaliya;

Iyadoo dib loo millicsanayo xaqiiqada ah in shucuubta Soomaaliya iyo Ereteriya ay si joogta ah isu garab-istaageen, isuguna taageereen halgankii mid kasta ugu jirey xornimada, madaxbannaanida iyo horumarka;

Iyadoo lagu salaynayo xiriirka walaaltinnimo ee taariikhiga ah,  iyo dedaalka ay labada dowladood ugu jiraan yagleelidda iskaashi labada dhinac ah, oo u faa’iidaynaya labada dal iyo guud ahaan gobolka;

Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen qodobbada soo socda: –

  1. Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah. Laakiin, ka faa’iideysiga khayraadkaas waxa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.
  1. Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dedaal gelinayaan sidii ay u sameysan lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.
  1. Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanaya danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.
  2. Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

PUNTLAND POST