WASIIR GEELLE: Eritrea waxay isu soo dhaweyn kartaa Soomaaliya iyo imaaaadka Carabta


Asmara (PP) ─
Wasiirka Warfaafinta Somalia, Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku jooga Asmara ayaa ka hadlay kaalinta Dowladda Eritrea ka qaadan karto in lasoo celiyo xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta .

Geelle oo wareysi siinayay VOA-da, ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu marxalado kala duwan marayo, isla markaana ay yihiin laba dowaladood oo walaalo ah.

“Xukuumadda Eritrea iyo Imaaraadka waa laba waddan oo isku xiriirkoodu uu wanaagsan yahay, waxay kaalin mug leh oo macno leh ka qaadan kartaa inay isku soo dhoweyso Somalia iyo Imaaraadka oo arrimo badan oo la kala tabanayay ay beryahan jireen,” ayuu yiri Wasiir Geelle.

Sidoo kale, Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa bilihii lasoo dhaafay ahaa mid mugdi galay, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii Abriil ee Sannadkan markii Ciidamada Amniga Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen lacag gaareysay 10-milyan oo u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Arrintaas ayaa keentay in Imaaraadka Carabta ay cambaareeyaan sida loola dhaqmay dublamaasiyiinteeda oo ay ku tilmaameen inay tahay mid ka baxsan xeerarka dublamaasiyadda, waxaana ay joojiyeen howlihii tababarka iyo taageerida Ciidamada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Is-beddelka ka bilowday Geeska Afrika ayaa sabab u noqday xulufo cusub oo ka dhex bilowda dowladaha Eritrea, Itoobiya, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana muuqata in loolanka loogu jiro dalalka ku yaalla Badda Cas inuu saameyn ku yeelanayo Somalia.

DHAGEYSO: Wareysiga Daahir Maxamuud Geelle uu siiyay VOA-da

PUNTLAND POST