Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Eritrea ay la Saxiixdeen Heshiisyo Miro-dhal ah

Asmara (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Eritrea ayaa hadal uu warbaahinta ku siiyay magaalada Asmara ee xarunta dalkaas wuxuu ku sheegay in kulamadii ay yeesheen isaga iyo dhiggiisa ay noqdeen kuwo miro-dhal ah.

Farmaajo ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in booqashadan taariikhiga ah ay ka dhalan doonto horumar iyo barwaaqo labada qaran ee Somalia iyo Eritrea dan u ah.

“Wadahadal mira-dhal ah oo aan la yeeshay Madaxweyne Esias Afwerki, waxaan diiradda ku saarnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka aannu wadaagno, xiriirkaas oo aan taariikhi ahayn balse laga mamaarmaan u ah mustaqbalka ifaya ee aannu wada dhisi doonno,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa hadalkiisa kus heegay in labada dal ay ogsoon yihiin in mustaqbalkoodu uu isku xiran yahay, maadaama buu yiri aanu nahay laba waddan oo walaalo ah, isla markaana ku yaalla hal gobol.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sii hadlaya ayaa sheegay inay ku heshiiyeen isaga iyo dhiggiisa xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka gobolka.

“Iskaashigan wuxuu faa’iido weyn u leeyahay labadeenna dal, maaddaama aan ka siman-nahay caqabado isku mid ah,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Farmaajo oo intaas ku daray. “Iskaashiga wax-tarka leh ee ay Dowladda Soomaaliya doonayso waa mid sahlaya in labadeenna Qaran ay si buuxda u wada-shaqeeyaan, shacabkeenuna ay nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan.”

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay soo dhaweynayso heshiiskii nabadeed ee dhawaan dhex-maray Waddamada Eritrea iyo Itoobiya. Isgaoo tilmaamay inay hubaal tahay in Gobolka Geeska Afrika oo dhan uu ka faa’iidi doono waagan cusub ee saaxiibnimada iyo wadajirka gobolka ku asteysan.

“Eritrea waxay muhiim u tahay mustaqbalka Geeska Afrika, Somalia, waxay diyaar u thay inay kala shaqeyso Eritrea danta labada dowladooda iyo midda labada shacab shacab iyo guud ahaan shucuubta ku nool gobolka,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa ku baaqay in cuno-qabaynta iyo xannibaadaha dhaqaale ee saaran Ertirea laga dul-qaado si loo helo is-dhex-gal dhaqaale oo ka dhaca gobolka, loona gaaro heshiisyo suuro-geliya ganacsi xor ah, kaasoo fududeyn doona isu-socodka dadka iyo badeecadaha.

PUNTLAND POST