Wariye u shaqeynayay Telefishin oo Maanta lagu Toogtay Magaalada Muqdisho


Muqdisho (PP) ─
Allaha u naxariistee waxaa galabta lagu dilay Muqdisho Wariye  C/risaaq Qaasim Iimaan oo ahaa filim-qaade u shaqeynayay TV lagu magacaabo SBS oo xaruntiisu magaalada London ee caasimadda dalka Britain.

Suxufigan ayaa waxaa toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda Somalia oo ku sugnaa bar-koontarool oo ku taalla degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogeyn sababta ay u toogteen.

Dilka suxufigan ayaa waxaa cambaareeyay ururka NUSOJ oo sheegay inuu ka mid yahya dhibatooyinka lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, waxayna ku baaqeen in baaritaan dhaqso ah lagu sameeyo dilka marxuumka.

Agaasimaha xafiiska SBS TV ee Muqdisho, Maxamuud Dhaqane Nuur ayaa u xaqiijiyay warbaahinta geerida marxuumka, isagoo sheegay in maydkiisa uu yaallo haatan Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

“Marxuum C/risaaq Qaasim Iimaan wuxuu saarnaa Mooto bajaaj markii la tooganayay, waxaana dilay askari booliis ah,” ayuu yiri Maxamuud Dhaqane oo hadalkiisa ku daray. “Ma garanayno illaa hadda sabab loo dilay marxuumka, waana fal aad nooga nixiyay.”

Ururka Suxufiyiinta NUSOJ oo ka hadlay dilka wariyahan ayaa sheegay inuu ka mid ahaa wariyeyaasha ka hawlgala Muqdisho, waxayna xuseen inay tani ka mid tahay dhibaatooyinka lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed meel walba oo ay ka hawlgalaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca suxufiyiinta Soomaaliyeed, waxaan si adag u cambaareynaynaa dilka wariyahan loo geystay, waxaana sidoo kale ugu baaqaynaa hay’adaha amniga dowladda Somalia inay baaritaan dhaqso ah oo hufan ku sameeyaan sida uu dilkan ku dhacay. Wuxuuna ahaa dil aan aad u naxnay,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Nuur [Macallimuu] oo warbixin kasoo saaray dilka wariyahan.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa hadalkiisa ku daray. “C/risaaq ma ahan qof hubeysan, Sidaa daraadeed ma jirto cudur-daar loo haysto in la dilo qof shacab ah oo aan dambi gelin. Waxaanan ka codsanaynaa madaxda hay’adaha amniga dowladda Somalia inay arrintan baaraan, ciddii mas’uulka ka ahaydna la hor-keeno sharciga.”

.Ugu dambeyn, C/risaaq Qaasim Iimaan wuxuu noqonayaa suxufigii ugu horreeyay ee Somalia lagu dilo sannadkan 2018-ka. Waxaana dilkan uu ku soo beegmayaa iyadoo bilihii u horreeyay sannadkan ay amniga suxufiyiinta ka hawl-gala Somalia uu soo hagaagayo, balse dilkan ayaa wuxuu walaac kale ku beerayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST