Ra’iisul Wasaare Khayre oo xilkii ka qaaday Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Somalia


Muqdisho (PP) ─
Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa xilkii ka qaaday maanta wasiirka waxbarashada xukuumadda Somalia, C/raxmaan Daahir Cismaan, iyadoo aan la magacaabin wasiirkii bedeli lahaa.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday wasiirka waxbarashada, inkastoo aan la sheegin sababta ka dambeysa xil-ka-qaadistiisa.

Isla wareegtada ayaa lagu sheegay in Xilka Wasaaradda Waxbarashada uu si ku smi ah u sii hayn doono Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada DFS, C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Dhanka kale, xil ka qaadista Wasiirka ayaa loo maleynaya inay soo da-dajisay hadal uu shalay Warbaahinta siiyay oo ahaa inaysan jirin jaamacad ay dowladdu aqoonsan tahay gabi ahaan jaamacadaha ku yaalla dalka.

AKHRISO HADALKA WASIIRKA EE KU SAABSAN JAAMACADAHA DALKA

Wasiirka xilka laga qaaday ayaa ku sababeeyay aqoonsi la’aantooda dhanka  Jaamacadaha dalka inay tahay iyadoo aanay jirin jaamacad buuxisay hannaankii looga baahnaa dhanka waxbarashada iyo dhismaha jaamacadaha.

Xil ka qaadista Wasiirkan ayaa waxay imaanaysaa xilli xalay lagu dhawaaqay natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee ay qaaday wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Somalia, kuwaasoo laga qaaday Ardayda wax ka barta Muqdisho iyo Gobollada dalka qaarkood.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo RW Somalia uu xilka ka qaado wasiir ka tirsan xukuumaddiisa, isagoo horay xilalka uga qaaday dhawr wasiir oo xukuumaddiisa ka tirsan kuwaasoo uu ku bedelay kuwo kale.

PUNTLAND POST