RW Khayre oo Qaabilay Wafdi ka Qayb-galaya Shirka Horumarinta Waxbarashada Sare

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socoda waddamada Thailand, koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo dhawaan ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah ay usoo qabanqaabiyeen jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa wafdiga kala hadlay heerka waxbarashada sare ee Soomaaliya ay soo gaartay, rejada wanaagsan ee jirta iyo dawrka horumarineed ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo jaamacadaha kale ee dalka ka jira ay ku leeyihiin, waxa uuna sidoo kale uga mahadceliyay ka qayb galkooda shirkaan caalamiga ah ee waxbarashada sare.

Xubnaha wafdiga ayaa dhankooda ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay, iyada xubnaha wafdiga qaarkood oo sannadkii hore kasoo qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ay qireen in uu jiro horumar ballaaran oo dhanka waxbarashada ah, iyaga oo ballan qaaday warbixinta horumarka ay dalka ku arkeen gaarsiin doonaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa kula ballamay mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo jaamacadda ummadda Soomaaliyeed oo ka ahaa kulanka goob-joog inay badiyaan shirkarka lagu horumarinayo waxbarashada dalka iyo in ay la shaqeeyaan dhinacyada daneeya horumarina waxbarashada dalka Somalia.

PUNTLAND POST