Maxkamada Ciidanka Qalabka sida oo Xukun ku riday eedeysane ka tirsan Ururka Daacish

Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Jaamac Xuseen Xasan [Nuuni] oo ahaa filim-qaade iyo dagaalyahan ka tiran kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Eedeysanahan la xukumay ayaa waxay ciidamada amniga Somalia waxay gacanta ku digeen isagoo miino dhigayay koontarool ay ciidamada Dowladdu ku lahaayeen dulleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Somalia ayaa warbaahinta u sheegay in markii ay raad-raac ku sameeyeen eedeha lagu soo oogay eedeysanahan ay saxan yihiin ayna ku rideen xukun xabsi madaxaa-ha-ku-furto ah.

“Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada waxaa u caddaatay dhamaan eedihii lagu soo oogay oo ahaa inuu ka tirsanaa inuu falal amni-darro ah ka waday gudaha Soomaaliya,” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Shuute.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa sheegtay inuu qirtay dhammaan dambiyada lagu soo oogay eedeysanaha la xukumay eeka tirsanaa Kooxda Daacish, uuna xabsigiisa uu yahay mid ciidan oo aan cafis lahayn.

Jaamac Naani ayaa la sheegay inuu ka tiranaa Kooxda Daacish uuna horay ula soo shaqeeyay Al-shabaab, isla markaana uu kasoo dagaalay buuraha Galgala ee Gobolka Bari, uuna Koonfurta Somalia u yimid fulinta Qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada ay xukunno dil iyo xabdi daa’in ah ku xukunto xubno ka tirsan kooxda Somalia ka dagalamaa ee Daacish iyo Al-shabaab.

PUNTLAND POST