Wasiir ku xigeen hore oo sheegay in ay jiraan shaqsiyaad Xogta DF siiya Kooxda Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia, Salaad Cali Jeelle oo hadda ah siyaasi ku xiran dowladda Somalia, ayaa sheegay in shaqsiyaad ka tirsan Dowladda Soomaalya ay Al-shabaab u fududeeyaan Qaraxyada ay ka fuliyaan Muqdisho iyo Gobollada kale ee dalka.

Inkastoo Jeelle uusan carrab-dhabin shaqsyaadkaas ayaa haddana wuxuu sheegay inay jiraan dadka ku lug leh fududeynta Qaraxyada iyo weerrada ay Al-shabaab geysanayso, isagoo tusaale u soo qaatay Qaraxyada mararka qaar ka dhaca Muqdisho xilli waddooyinka muhiimka ah ay xiran yihiin.

“Argagixisada waxay nafteeda gudaha Dowladda ku leedahay taageero ay xog ku heli karaan, haddii ay yihiin dad heli kara xogaha oo amniga ka mid ah iyo kuwa macluumaadka heli kara,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Sidoo kale, Wuxuu xusay in Dowladda Somalia ay sameysay dadaal badan, isla markaana la soo xiray Waddooyinka, haatan ay billaabatay in la iska wareysto sababta ay Al-shabaab kusoo gudbeen oo ay qaraxyo u fuliyaan.

Mudane Jeelle ayaa caddeeyay in dad aan Ammaanka khibrad u aheyn xilal loo dhiibay, loona baahan yahay dadka khibradaha leh howsha Amniga loo xil-saaro.

Dhanka kale, Salaad Cali Jeelle ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay la shaqeeyeen Dowladda Federaalka Somalia, isla markaana ay taageeraan dowladnimada Somalia si looga adkaado kooxaha argagaxisada ah.

Hadalka Wasiir ku xigeenkii hore ee Gaashaandhigga Somalia xilligii ay jirtay dolwaddii Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay madaxda Dowladdu billaabeen isbedello lagu sameynayo saraakiisha amniga dalka,

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa maanta xilkii ka qaaday Jen. C/weli Gorod oo ahaa taliyihii ciidamada xoogga dalka Somalia, iyadoo la filayo in dhawaan shaqooyinka laga fariisio saraakiil kale oo ka tirsan kuwa amniga Soomaaliya.

Haddaba, DHAGEYSO: Hadalka uu Warbaahinta siiyay Salaad Cali Jeelle;

PUNTLAND POST