Dowladda Federaalka oo sheegtay in aysan Aqoonsanayn Jaamacadaha ku yaalla Dalka


Muqdisho (PP) ─
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, C/faxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in wasaaradda wwaxbarashada aysan aqoonsanayn Jaamacadaha ku yaalla dalka oo ay ku jirto Jaamacadda Ummadda ee ay ku hayso gacanta Dowladda Soomaaliya.

Mudane C/raxmaan ayaa sheegay in Jaamacadaha dalka ku yaalla ay siiyeen oo keliya aqoonsi ay dalka uga shaqeyn karaan, laakiinse aanu jirin aqoonsi rasmi ah oo Jaamacadnimo ay u aqoonsan yihiin, taasoo ay ugu wacan tahay inay dalka ka jiraan jaamacado fara badan oo laga doonayo inay buuxiyeen shuruudo fara badan.

“Innagu ma jirto jaamacad aan aqoonta ay bixinayso u aragno inay tahay middii loo baahnaa, sidaas awgeedna ma aqoonsanin jaamacadaha dalka ka jira oo dhan. Balse jaamacaddii soo buuxisa shuruudaha laga doonayo waan aqoonsan doonnaa,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ayaa sheegay inay xitaa Jaamacadda Ummadda ka mid tahay jaamacadaha aysan aqonsanayn, iyadoo Jaamacaddan ay si toos ah u hoos-tagto Wasaaradda Waxbarashada Somalia. Isagoo xusay in marka la isla garto qodobbo heshiis lagu hayay ay imaan karto inaanu aqoonsanno jaamcadaha dalka ka jira.

Ugu dambeyn, Somalia ayaa waxaa ku yaalla Jaamacado tiradoodu ka badan tahay 50, kuwaasoo qaarkood bixiya Takhasusaad kala duwan, inta badan waxaa lagu eedeeyaa tayada Waxbarashadooda inay liidato.

Haddaba, DHAGEYSO: Codka Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya;

PUNTLAND POST