Duqa Muqdisho oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga Muqdisho iyo Cafis uu horay…

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho aya isagoo ku sugan Magalada London ee xarunta Britain wuxuu ka hadlay Arrimaha Amniga Muqdisho iyo Dadaalka Dowladda Somalia ay ku bixinayso sidii amniga loo adkeyn lahaa.

C/raxmaan Cumar Cismaan [Eng. Yariisow] ayaa sheegay in ciidanka amniga Somalia ay si taxaddar leh u Xaiiqjiyeen Amaanka Muqdisho, isla markaana loo diiday in gaadiidka sida waxyaabo aan u wanaagsanayn Amniga ay kasoo gudbaan Koontoroolada laga soo galo Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in sugidda amniga caasimadda ay sidoo kale kala kaashadeen shacabka ku nool caasimadda oo uu sheegay inay diyaar u yihiin in dowladda kala shaqeeyaan amniga magaaladooda.

Sidoo kale, Guddoomiye Yariisow soo hadal-qaaday Dagaalka Dowladda FS ay kula jirto Al-shabaab, isagoo xusay in laga doonayo inay qaataan cafiska madaxweynaha uu u fidiyay haddii kale ay ka qaadi doonaan Tallaabo adag.

“Waxaan doonaynaa in qof walba oo Somali ah oo ay ku jiraan kuwa ay Al-shabaab marin-habaabisay ay ka faa’iideystaan cafiska madaxweynaha, cidii diidana gacan bir ah ayaan ku qaban doonnaa,” ayuu yiri Eng. Yariisow.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee qurba-joogta ah inay kaalin weyn ka qaataan dib u dhiska dalkooda iyo sidii amni waara looga hir-gelin lahaa.

HADDABA, DHAGEYSO: HADALKA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR;

PUNTLAND POST