Faahfaahin kasoo baxay Weerarkii Kooxda Al-shabaab ay saakay ku qaday Baar-sanguuni

Muqdisho (PP) ─ Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar ay saakay Al-shabaab ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda Somalia ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 50-km dhanka waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Faahfaahinnadii ugu dambeeyay ee soo baxay ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku dhinteen 12-qof oo isugu jira ciidamada dowladda iyo xoogaggii halkaa weeraray, inkastoo labada dhinac ay tiro badan oo dhimasho ay warbaahinta u sheegeen.

Maxamed Naasir oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jubbaland oo weerarka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan ay dhankooda uga dhinteen laba askari, ayna Al-shabaab uga dileen in ka badan 87 ruux.

“Al-shabaab way soo weerareen saldhigga Sanguuni, balse waxaa ka hor-tagay ciidamada dowladda ee saldhiggaas ku sugnaa, mana aysan qabsan saldhigga sida ay sheegeen waana beenaalayaal,” ayuu yiri Maxamed Naasir.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Xaaladda deegaanka hadda waa mid daggan ciidamada dowladda ayaan ku sugna, waxaana Al-shabaab ay haatan ku sugan yihiin deegaanka Araare, waana ku daba-jirnaa.”

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa waxay dhankeeda sheegtay inay weerarkaas ku dileen 27-askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, inkastoo aysan sheegin dhankooda khasaaraha kasoo gaaray.

Balse, wararka ka madax-bannaan labada dhinac ayaa sheegaya inay halkaa ku dhinteen 12-qof oo siddeed ka mid ah ay ahaayeen Al-shabaab, kuwaasoo ay ku jiraan kuwii qaraxyada fuliyay iyo kuwii weerarka tooska ah ku qaaday saldhigga.

Ciidamada Dowladda Somalia ayaa waxaa dhankooda ka dhintay afar askari oo qaarkood ku dhintay Qaraxii weynaa ee ka dhacay afaafka saldhiggan la weeraray, iyadoo ay jiraan dhaawacyo badan oo haatan lagu daweynayo Kismaayo.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Kooxda Al-shabaab ay laba-laabtay weerarrada ay ka geysanayso goobaha ay maamusho DFS iyo maamullada kale ee dalka ka jira, kuwaasoo galaafta nolosha dad aad u fara badan.

PUNTLAND POST