Al-shabaab oo Guul ka Sheegatay Weerar ay ku qaaday saldhig ku yaalla Baar-Sanguuni

Kismaayo (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa saakay weerar isugu jiray Qarax iyo mid toos ah ku qaaday saldhig ay ciidanka dowladda Federaalka Somalia ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 50-km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Weerarkan oo ahaa mid culus ayaa ku billowday qarax ismiidaamin ah, iyadoo uu xigay weerar toos ah oo dhexmaray ciidamada dowladda Somalia iyo xoogaggii weerarka soo qaaday ee Al-shabaab.

Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay inay ku dileen 27 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, balse weli ma jiro hadal ka soo baxay dhanka dowladda federaalka Somalia iyo maamulka Jubbaland oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo qaatay muddo saacado ah.

“Xoogaggeenna weerarka qaaday waxaa u suuro-gashay inay goobta ku dilaan 27-askari, ayna la wareegaan saldhigga. Waxaana jira ciidammo aad u tiro yar oo ka cararay goobta,” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abu-Muscab oo ah afhayeenka hawlgallada ee kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, Sarkaal lagu magacaabo Maxamuud Aadan oo u hadlay Dowladda Somalia ayaa sheegay in weerarkaas uu jiro ayna ciidamadu iska caabiyeen weerarka Al-shabaab oo uu ugu yeeray koox argagaxiso ah.

“Way jirtaa in ciidamada dowladda Somalia ee saldhigga ku leh deegaanka Baar-sanguuni ay Al-shabaab weerartay saakay aroortii hore, balse waa la iska difaacay, innagu ma bixin karno faahfaahin dheeraad ah,” ayuu yiri Maj. Maxamuud Aadan oo warbaahinta la hadlay.

Goobjoogayaal ku sugan Jamaame oo 20-km u jira deegaanka uu weerarku ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta inay maqlayeen dhawaqa hubka ay dhinacyadu isku adeegsanayeen.

“Jug culus ayaan maqalnay, kaddibna waxaa xigay rasaas xoog badan oo aan ku qiyaasi karo inay socotay in ka badan saacad,” ayuu Reuters u sheegay goobjooge ku sugan Jamaame oo magaciisa ku sheegay Cusmaan C/llaahi.

Ugu dambeyn, deegaanka uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa dagaal uu ku dhexmarya bishii Juun ee sannadkan ciidammo Soomaali iyo Mareykan ah, dagaalkaasoo lagu dilay askari Mareykan ah iyo laba Soomaai ah, toddoba kalena lagu dhaawacay.

PUNTLAND POST