MADAXWEYNE FARMAAJO: Waa in is-beddel lagu sameeyo Qaabka loo Sugo Amniga Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay waajib ku tahay fududeynta dhaqdhaaqa iyo ganacsiga bulshada, iyagoona sii joogteynaya dadaallada ay ku sugayaan nabadgelyada caasimadda.

Farmaajo oo guddoominayay shirka toddobaadlaha ah ee amniga ayaa warbixinta amniga guud ee dalka ka dhageystay hay’adaha ammaanka, waxa uuna ku adkeeyey inay iskaashi iyo isdhexgal buuxa la sameeyaan shacabka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay guulihii muhiimka ahaa ee ay laamaha amnigu soo hoyeen 6-dii bilood ee horraanta sanadkan, taas oo ay ka mid ahayd ka hortagga dhibaatooyinka iyo qaraxyada ay argagixisada Alshabaab u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo baaq u diray shacabka ayaa yiri “Waan dhegaysannay cabashadiina, dib ayaana u furnay waddooyinkii u xirnaa xaaladaha amni, waxaana idinku baaqayaa inaad la shaqeeysaan laamaha ammaanka. Haddii aad aragtaan qolyahan argagixisada ah oo xaafadaha ku dhex dhuumanaya ama qof aad ka shakisaan waa in aad soo war-gelisdaan ciidammada.”

Dhanka kale, Xubnaha Guddiga Amniga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoona bogaadiyey guulaha isadaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka.

Ugu dambeyn, Shirkan waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Baarlamanaka Somalia, Maxamed Mursal, RW Khayre, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo uu ugu horreeyaan Wasiirrada Maaliyadda iyo Amniga, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Kusimaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir K/Xigeenka, Taliyeyaaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda.

PUNTLAND POST