Askari ka tirsan Ciidamada DF oo Dhowr kun oo Shillin Somali ah u dilay Nin Darawal ah

Muqdisho (PP) ─ Duhurnimadii maanta ayaa waxaa darawal ka mid ah kuwa gaadiidka dadweynaha ee Muqdihso lagu dilay Suuqa Kaaraan, gaar ahaan goobta laga raro gaadiidka, waxaana toogtay askari ciidamada DF ka tirsanaa.

Dilka ayaa yimid kaddib markii ninka la dilay uu u diiday askariga inuu siiyo lacag uu weydiistay.Waxaa la sheegay ninka ku labisnaa dharka ciidamada inuu weydiistay ninka dhintay shan kun oo shilin Soomaali ah,islamarkaana uu u diiday.

Sidoo kale, Askariga oo ka carooday lacagta darwalkan uu waydiistay oo uu siin waayay ayaa la sheegay inuu xabad ku dhuftay darawalkii waday gaariga, kadibna uu halkaasi  ku geeriyooday.

Askariga dilka gaystay ayaa markiiba ka baxsaday goobtii uu falkaas ka geystay, waxaana goobta gaaray ciidammo booliis ah oo maydka ruuxii la dilay gaarsiiyay saldhigga.

“Darwalka waxaa loo dilay 5-kun oo shiln oo Somali ah, taasoo uu askariga weydiistay, sababtoo ah shan kun maanta wax la isku dilo ma ahan, iyadoo markiiba uu goobta ka baxasday askarigii dilka geystay,” ayuu yiri ruux ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay.

Ugu dambeyn, Ma ahan wax cusub in Muqdisho ay askar ka tirsan ciidanka dowladda Somalia ku dilaan dad shacab ah oo ay ku jiraan wadayaasha gaadiidka dadweynaha iyo mooto Bajaaj-ta.

PUNTLAND POST