Ethiopian Airways oo Maanta Duullimaadkii ugu horreeyay ku tagtay Magaalada Asmara

Addis Ababa (PP) ─ Shirkada diyaaradaha Ethipian Airlines, ayaa duulimaadkii u horeeyay oo toos ah ugu duushay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, kaddib labaatan sannadood oo aysan duulimaad ku tegin.

Diyaarad duulliaadkeedu ahaa ET0312 ayaa ka duushay garoonka Bole ee Addis Ababa, kaddib xaflad kooban oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha, iyadoo siday boqolaal rakaab ah oo ku socday magaalada Asmara.

Munaasabadda, ayaa waxaa ka hadlay oo soo Dhaweeyay Guddoomiyaha Shirkadda Ethiopian Airlines, Tewolde GebreMariam isagoo ku tilmaamay in duullimaadan dib loo furay ay yihiin kuwo taariikhi ah, isla markaana bixi doona maalin walba.

Sidoo kale, Diyaaradda Ethiopian Airways, ayaa sameysay maanta oo keliya laba duullimaad oo ay ku tagtay Asmara, isla makraana dib ug soo laabtay magaalada Addis Ababa, waxayna labada magaalo u kala socotay 15-daqiiqo oo keliya.

Dadweyne badan oo u kala safrayay labada dal ayaa u badanaa qoysas ku kala xayirmay labada waddan, kaddib dagaallo ay ku dhinteen kumannaan qof oo ka dhacay soohdinta u dhexeysa labada waddan.

Xukuumadaha Asmara iyo Addis Ababa ayaa mid walba waxay waddankooda ka eryeen kumannaan qof oo shacab ah markii uu dagaalku billowday, taas oo sababtay inay qoysas badan kala xayirnaan.

Bishan billowgeedii ayuu Ra’iisul Wasaaraha itoobiya, Abiy Ahmed Ali wuxuu booqasho ku tagay magaalada Asmara ee xarunta Eritrea, isagoo heshiis taariikhi ah la saxiixday madaxweynaha dalkaas, Isaias Afwerki kaasoo soo afjartay colaaddii u dhexeysa labadan waddan

Ugu dambeyn, Toddobaad kaddib ayaa Isaias wuxuu isna booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Addis Ababa, isagoo dib u furay Safaaradda Eritrea ay ku lahayd Itoobiya. Waxaana Eritrea oo horay u ahayd gobol ka tirsan dalka Itoobiya ayaa xorriyaddiisa qaadatay sannadkii 1994-kii.

PUNTLAND POST