Wasiir Ducaale oo Sharaxay Sababta ay Al-shabaab Qarxyada uga Geysanayso Muqdisho


Muqdisho (PP) ─
Wasiirka Amniga Somalia, Maxamed Abuukar Islow [Ducaale] ayaa ka hadlay Waddooyinka ay xiran ee Muqdisho iyo hadal-haynta bulshada ee ku aaddan xiridda waddooyinkan, kuwaasoo sheegay inay dhibaatooyin ku yihiin xiridda wadooyinka la xiray.

Wasiir Ducaale, ayaa sheegay in markii waddooyinka Muqdisho ay ciidamadu xiraan ay soo dhex-galaan Al-shabaab, iyagoo iska dhigaya shacabka, isla markaana ka cabanaya in waddooyinka loo furo.

Sidoo kale, Wuxuu ka hadlay Weerarradii Qaraxyada ku billowday ee Xamar ka dhacay isagoo sheegay inay yihiin kuwo la doonayo in cabsi lagu geliyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana shacabka lagu dhibaateeyo.

“Dhab ahaantii Al-shabaab waa annaga oo kale, dadka ayay ku dhex-jiraan waliba way ka hadashiiyaan, markii waddooyinka la xiro, iyagoo shacab iska-dhigaya ayay qayliyaan si waddooyinka loo furo,balse Dowladdu way ka hor-tagtay fal kasta oo ay isku-dayeen inay fuliyaan,” ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa intaas ku daray. “Alshabaab Qaraxyada waxaa u sahlay qayla-dhaanta shacabka iyo siyaasiyiinta oo u muuqda inay yihiin kuwo laga hadal-siinayo, si dhibaatooyin loo geysto.”

Dhanka kale, Weerarradii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxay imaanayaan iyadoo sidoo kale Qaraxyo noocan oo kale ah ay toddobaadkii hore ka dhaceen Muqdisho, kuwaasoo geystay khasaarooyin nafeed.

Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho ayaa waxay halis u noqotay Qaraxyada iyo weerarrada ay geysanayso Al-shabaab, kuwaasoo dhibaatooyin badan ay kasoo gaarto shacabka, waxaana Qaraxyadan ay dhaliyeen sababta ay ugu suuro-gashay Al-shabaab inay waddooyinka oo xiran Qaraxyo geystaan.

DHAGEYSO; Hadalka Wasiirka Amniga Qaranka ee Dowladda Soomaaliya

PUNTLAND POST