FAAHFAAHIN: Weerarradii Maanta ka dhacay Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegatay


Muqdisho (PP) ─
Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen qaraxyo ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ilaaliya madaxtooyada ayaa toogasho ku dilay saddex ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday, waxaana xigay qarxii ugu horreeyay oo inta badan Muqdisho laga maqlay.

Sarkaal u hadlay booliiska ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay xirnaayeen direyska ciidamada xoogga dalka, isgaoo xusayi n lagu fashiliyay weerarka intii aysan gaarin halkii uu bartilmaameedkoodu ahaa.

“Kooxahan waxay doonayeen inay weeraraan madaxtooyada, balse waa laga hortagay, waxaana arkay dhimashada sagaal qof oo isugu jiray shacab, askar iyo kooxihii weerarka soo qaadya,” ayuu yiri Cap. Nuur Cali oo weerarka kaddib la hadlay warbaahinta.

Qaraxii labaad ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn halkii uu ka dhacay kii hore, waxaana goobta oo dhan qariyay qiiq ka dhashay qaraxyada, waxaana sidoo kale ka dhacaysay rasaas ay dhinacyadu is-weydaarsanayeen.

Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay Qaraxyadan ayaa waxay sheegtay inay ku beegsatay xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo Hotel SYL oo ay ku sheegtay goob ay ku shiraan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Xoogaggeennu waxay beegsadeen xarunta Madaxtooyada iyo Hotel SYL oo ay inta badan ku shiraan xubnaha dowladda, laguna maleego dhagarta dadka lagu dhibaateynayo,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Al-shabaab.

Dhanka kale, Hay’adaha Amniga ee dowladda ayaan si dhab ah weli uga hadlin weerarkan, waxayse dowladdu sheegtay in la fashiliyay weerarro ay soo qaaday Al-shabaab, kuwaasoo la doonayay in dhibaato xoog leh lagu geysto.

Kooxda Al-shabaab ayaa sidan oo kale Sabtidii lasoo dhaafay Muqdisho ka geystay laba qarax oo ay ku naf-waayeen in ka badan 20-qof, ayna tiro kale ku dhaawacmeen, waxaana weerarkaas lala beegasday xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo midda Amniga Qaranka.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa geysatay weerarada maanta iyadoo aad loo adkeeyay amniga Muqdisho, isla markaana uu saakay dalka ka dhoofayay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana shacabku intooda badna is-weydiinayaan halka ay soo mareen gaadiidka qaraxyada geystay.

PUNTLAND POST