Madaxweynaha Eritrea oo ku Wajahan Addis Ababa

Asmara (PP) ─ Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa lagu wadaa inuu berri booqasho taariikhi ah ku tago Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Ahmed oo toddobaadkii hore booqday Asmara.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynaha uu hgogaamin doono wafdi ballaaran oo ay ka mid yihiin; wasiirro iyo xildhibaanno.

Booqashadan ayaa imaanaysa kaddib markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu booqasho taariikhi ah ku tagay Magaalada Asmara, xilligaasoo ay labada mas’uul kala saxiixdeen heshiisyo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen in labada waddan ay booqan doonaan wufuud kala duwan.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxaa dhexmaray dagaal ay kumannaan askar ah ku dhinteen, kaasoo socday intii u dhexeysay 1998-kii illaa 2000, waxaana labada waddan ay isku maan-dhaafeen lahaanshaha magaalo soohdinta ku dhaw oo RW Abiy Ahmed uu sheegay in Eritrea ay siinayaan.

Heshiiska ay gaareen labada waddan ayaa waxaa ka mid ah in la isku furo xuduudaha dalkaas, sidoo kalena ay Itoobiya isticmaali doono dekedaha dalka ay dariska yihiin ee Eritrea.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Ra’iisul Wasaaraha Eritrea Abiy Ahmed bishii Abriil ee sannadkan ayuu billaabay inuu furfuro siyaasadda dalka Itoobiya oo lagu tiring jiray tan ugu adag Afrika.

Dhanka kale, Intii uu ku jiray booqashadii uu dhawaan ku tagay Asmara ayuu Abiy Ahmed muujiyay furfurnaan dheeraad ah, taasoo farxad weyn gelisay hoggaamiyaha Asmara, waxaana tani ay soo af-jartay colaaddii u dhexeysay labada waddan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in wufuudda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Eritrea ay joogi doonaan Addis Ababa muddo saddex maalmood ah, ayna kawada hadli doonaan qodobbo dhawr ah.

“Waxaan madaxweyne Isaias uga mahad-celiyaa sida uu nooga aqbalay casuumaddii aan u fudinnay, waxaana u soo dhaweyn doonaa si diirran,” ayuu  hadalkiisa ku daray ra’iisul wasaaraha Itoobiya  Abiy Ahmed.

Ugu dambeyn, Labada waddan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay dib u furaan isku socodka gaadiidka labada dhinac, Toddobaadyada soo socdana waxay billaabi doonaan duulimaadyadii caadiga ahaa oo joogsaday 1998-kii oo uu billowday dagaalka labada waddan.

PUNTLAND POST