Dowladda Norway oo Maanta ku Dhawaqday inay Aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga

Nairobi (PP) ─ Dowladda Norway ayaa maanta ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga, ayna ku bixin doonto dal-ku-galka, iyadoo ka mid noqonaysa dhawr dal oo Yurub ah oo horay u aqoonsaday baasaboorka Soomaaliga.

Hadalkan ayaa waxaa ku dhawaaqay safiirka Norway u fadhiya dalka Kenya, Victor C. Rønneberg kaddib kulan ka dhacay magaalada Nairobi, kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda Somalia iyo xubno uu ka mid yahay taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

“Waxaan horay u aqoonsanayn baasaboorka dubmalaasmiga ah ee Somalia. Hadda Norway waxay aqoonsanaysaa Baasaboorka caadiga ah iyo kan kale ee shaqaalaha dowladda la siiyo, wuxuuna go’aankan dhaqan-galayaa 1-da bisha Ogoosto ee soo socota,” ayuu yiri danjire Rønneberg oo kulanka hadal ka jeediyay.

Sidoo kale, Danjiraha oo sii hadlayay ayaa wuxuu intaas ku daray. “Maanta waxaan ku biiraynaa dalalka Yurub ee aqoonsan baasaboorka Somalia. Inta la ogyahay waxaa ka mid ah; Talyaaniga iyo Faransiiska. Ugu dambayn aan caddeeyo in go’aanka ay Norway ku aqoonsatay Baasaboorka Somalia uusan wax ka bedeli doonin shuruudaha iyo hannaankii aan ku bixin jirnay Dal-ku-galka [Visa-ha] Norway lagu tago.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad oo isna hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in dadaal-dheer oo ay sameysay Dowladda Soomaaliya ay keentay in Xukuumadda Norway ay aqoonsato baasaboorka Soomaaliga.

“Maanta wa maalin taariikhi ah, Norway Sannadkii 2012-kii ayay aqoonsatay baasaboorka dubamaasiga ah ee Soomaaliya, Maantana waxay aqoonsatay dhammaan noocyada kale ee baasaboorka, sida midka shacabka iyo midka shaqaalaha, dadaal ay bixisay dowladda gaar ahaan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo uu hoggaaminayo Aaaasime Koofi ayaa lagu gaaray,” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Qaranka Soalia, Maxamed Abuukar Isloow oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahad-celiyay Dowladda Norway, isagoo ku tilmaamay in aqoonsiga ka sokoow ay Dowladda Norway Dowlado kale la wadaagayso xogta ku saabsan baasaboorka Somalia si ay u aqoonsadaan.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa sannadkii 2007-dii waxay billowday bixinta baasaboor electaroonik ah, kaasoo lagu beddelay baasaboorkii hore oo lagu sameyn jiray suuqyada Muqdisho. Wixii ka dambeeyay Waqtigaas waxaa la sii adkeynayay baasaboorka Soomaaliga.

PUNTLAND POST