Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga oo ka Wada-hadlay Xoojinta Amniga

Muqdisho (PP) ─ Shirka Guddiga Amniga Gobolka Banaadir oo ay ka qayb-galeen Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Kusimaha Guddoomiyeha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda, taliyeyaasha heer Federaal iyo heer gobol ee ciidammada Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa waxaa lagaga hadlay xaaladaha guud ee amniga caasumadda, gaar ahaan qaraxii argagixso ee lagu beegsaday Xarunta Wasaaradda Amniga.

Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay laamaha ammaanka ee gacanta ku haya baaritaanka lagu sameeynayo su’aalaha la xiriira qaraxaas, iyagoona tilmaamay sida ay uga go’antahay in ay soo bandhigaan gaabkii amni ee dhacay iyo la xisaabtanka cid kasta oo gudan weeyday masuuliyadda kaga aaddanayd ka hortagga dhagarta argagixisada Alshabaab ee ay ku dhibaateeyeen shacabka Gobolka Banaadir.

Guddiga Amniga Gobolka ayaa ku bogaadiyey bulshada Gobolka Banaadir kaalinta ay ka qaateen yareeynta iyo ka hortagga qorshayaasha argagixisada Alshabaab ay ku dhibaateynayaan shacabka, amniga iyo harumarka Gobolka Banaadir.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka ahna Kuxigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo la dardaarmayey saraakiisha ammaanka ayaa yiri; “Waa in aad dardar gelisaan qorshayaasha aad ku sugeysaan amniga Caasimadda, idinkoo lakaashanayana shacabka, si aan uga guuleysano argagixsada mar walba dhibaatada u geysanaya nafta iyo maalka shacabkeena, taasna waa mid inoo ka baahan dadaal iyo masuuliyad dheeraad ah.”

Dhanka kale, Guddiga Amniga Gobolka ayaa sheegay in qorshaha dalka lagaga xoreeynayo argagixisada Alshabaab ee ay ku howllantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaalin wayn ka qaadan doonaan bulshada Gobolka Banaadir, maadama dabar gooynta argagixasada ay mudnaan gaar ah u leedahay horumarka iyo ganacsiga Gobolka.

Ugu dambeyn, dhammaan xubnaha Guddiga Aminiga Gobolka Banaadir ayaa hoosta ka xariiqay in laamaha ammaanka ee heer Federaal iyo heer gobolba ay tallaabooyin muuqda u qaadeen xasilinta amniga Caasimadda bilihii la soo dhaafay, isla markaasna ay tahay in ay laba-laabaan dadaalka ay habeen iyo maalinba ugu jiraan ilaalinta amniga shacabka iyo hantdoodaba.

PUNTLAND POST