Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada DF Somalia

Muqdisho (PP) ─ Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, kuwaasoo lagu dliay suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho.

Askarta la dilay ayaa wuxuu mid ka mid ah ka tirsanaa ciidanka dowladda hoose ee Minishiibiyo halka midka kalana uu ka tirsanaa Ciidamada Xasilinta ee lasoo dhigay  jidadka Muqdisho.

Daleyda dilkan geystay oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab ayaa goobta ka baxsaday, waxaana dilalka maanta ay saddex ka dhigayaan dilalkii 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho.

Halka ay dilalkan ka dhaceen waxaa gaaray ciidan ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Somalia, waxayna dadka deegaanka xaqiijiyeen inaan gacanta lagu dhigin raggii dilka geystay.

Sidoo kale, Maamulka degmada Yaaqshiid ayaan weli wax faah-faahin ah ka bixin dilalka labada askari loogu geystay degmadaas, basle waxaa halkaas ka sameeyay baaritaanno ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo aanay jirin cid ay u qabteen.

Kooxaha hubeysan ee Dowladda Somalia kasoo horjeeda ayaa xilliyadii dambe si aad ah u ugaarsanayya ciidamada iyo shaqaalaha Dowladda FS, iyadoo bishii Ramadaan tiro dad ah lagu dilay Muqdisho.

Ugu dmabeyn, Magaalada Muqdisho oo ah xarunta Somalia ayaa waxay u tahay xudun falalka amni-darro ee ay geysanayaan kooxaha hubeysan ee dowladda kasoo horjeeda sida Al-shabaab iyo Daacish.

PUNTLAND POST